Sargaal Boolis Ah Oo Gabdh Madaw Ah Ku Toogtay Magaalada Ohio Ee Dalka Maraykanka

Sarkaal booliis ah ayaa magaalada Ohio ku toogtay gabar madow ah oo dhalinyaro ah xilli ay ka jawaabeysay isku day dil mindi ah.

Toogashada ayaa ka dhacday magaalada Ohio Talaadadii abaare 16:45 ee waqtiga magaaladaas, sida uu sheegay wargayska Columbus.

Booliska Columbus ayaa markii dambe soo saaray muuqaal ka turjumaya sida ay wax u dheceen, oo muujinaya dad dhowr ah oo weeraraya qof ka hor inta aan gabadha la toogan dhowr jeer.

Baaritaan ayaa socda, iyadoo saraakiisha ay ku boorriyeen dadka deegaanka inay isdajiyaan.

“Duhurnimadii gabadh yar ayaa musiibadan nafteeda ku wayday. Ma ogin faahfaahinta oo dhan, “ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Duqa Columbus Andrew Ginther. “Waxaan la wadaagi doonnaa macluumaadka aan awoodno isla marka ay soo baxaan,” ayuu raaciyay.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli ay xeer-beegti ay sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah.

Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May.

Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Toos U Daawo Ciyaarta Semi-final Banaadir Iyo K/Galbeed Ee Tartanka Maamul Goboleedyada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Doorashada Baarlamaanka Dalka Japan Oo Barri Loo Dareerayo Iyo Cabsi Soo Wajahday Xisbiga Tallada Haya

Bnnstaff Bnnstaff

“Saami Qaybsiga Dalku Dhan Buu Ka Raran Yahay” Xildhibaan Mubarak Xeeldheere Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Saami Qaybsiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More