Deg Deg:- Hoobiyayaal Khasaare Gaystay Oo Ku Soo Dhacay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay goordhow kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere & Wartanabada ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda laga maqlay degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Ilaa Afar Hoobiye ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaceen Xaafado u dhow Xarunta Jodka Jilacow iyo Wasaaradii hore ee Caafimaadka, waxaana la sheegay in dad Shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Qof kamid ah dadka ku nool Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa sheegay in Hoobiyeyaasha mid kamid ah uu ku dhacay Kaam lagu magacaabo Xaaraaye oo u dhow Godka Jilacoow, isla markaana dadka ku dhintay uu kamid yahay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdi Colow.

Sidoo kale waxaa jira guri uu ku dhacay Hoobiyaha oo ay ku dhaawacmeen dad u badan Carruur, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaal Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Tirada Dadka Ku Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Afganistan Oo Gaadhay 1000 Qof

Bnnstaff Bnnstaff

Hooyo Uurle Oo Dil Argagax Leh Iyo Kufsi Loogu Gaystay Magaalada Caabud Waaq

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ayna Aqbali Doonin Go’aanka Maxkamed ICJ

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More