Turkiga Oo Mar Kale Soo Iibsanaya Gantaalada Difaaca Cirka Ee S-400 Iyo Dalka Uu Ka Soo Iibsanayo

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa shaaciyey Labo Ajendo oo ay Turkiga iyo Raashiya ku kala iibsan doonaan Hubka ay labada dal farsameeyaan.

Wasiirka oo Wareysi siiyey Telefishinka The Haber Turk TV channel waxa uu tilmaamay inay Wada-xaajood kula jiraan Dowladda Raashiya, si ay uga iibsadaan Qeybtii Labaad ee Gantaalladda Nidaamka Difaaca Hawada ee S 400, kaasi oo ay Turkiga horey uga iibsadeen Raashiya.

Waxa uu intaasi ku daray inay Raashiyaanka iibsan karaan hub iyo qalabka Milliteri ee Turkiga lagu farsameeyo.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu waxa uu Wareysigiisa ku soo hadal-qaaday inay diyaar u yihiin inay Maraykanka ka iibsadaan Hubka Casriga, balse loo baahan yahay Qiimo Macquul ah iyo Shuruudo wanaagsan.

Bishan April 12-dii, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Raashiya, Sergey Lavrov waxa uu ka hadlay Warar sheegayey inay Turkiga ka iibinayaan Ukraine diyaradaha Drooniska ee dagaalka loo adeegsado (combat drones).

Waxa uu ku booriyey dalalka mas’uulka ah oo ay Turkiga ka mid tahay inaysan Ukraine ka iibinin hub dhiiri-gelin kara Ciiddamadaynta dalkaasi.

Ilo-wareed Diplomaasi oo aan la carabaabin ayaa u sheegay Wargeyska The Turkiye newspaper inay Turkiga diyaar u tahay iny Hub iyo Daroonis ka iibiyaan dalalka Caalamka oo dhan, oo ay ku jirto Raashiya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

laamaha Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Kooxo Burcad Ah Iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya

Bnnstaff Bnnstaff

Sacuudiga Oo Meel-Mariyay Sharci Ka Farxiyay Ajanabiga Ka Xoogsada Gudaha Dalkaasi.

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed Oo Soo Qab Qabtay Dhalinyaradda Isticmaalaysay Maandooriye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More