Hoobiyayaal La Sheegay In Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyasa Somaliya Iyo Xaafado U Dhaw

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in illaa shan hoobiye ay ku dhaceen xarunta madaxtooyada iyo xaafado ku dhaw dhaw sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Mid kamid ah hobiyayaasha ayaa ku dhacay gudaha xarunta madaxtooya iyadoo mid kalena ku dhacay darbiga dambe ee madaxtooyada, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay.

Hoobiyayaasha kale ayaa ku dhacay xaafado ku dhawdhaw madaxtooyada, iyana lama oga khasaaraha ay geysteen.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka hoobiyayaasha ee maanta Muqdisho ka dhacay.

Bbc

Related posts

Madaxwayne Trump Oo Shirka Qarama Midoobay Ka Jeediyay Qudbad Dagaal Iyo Duco Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Tirada Dadka Ku Dhintay Duqaymaha Ay Ciidanka Dowlada Itoobiya Ee Caasimada Tigrayga Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Wakiilo Ka Socda Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Baadhitaano La Xidhiidha Covid 19 Ka Bilaabaya Shiinaha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More