Farmaajo oo qoraal soo dhigay Barta uu ku leeyahay twitter-ka ayaa waxaa uu uga tacsiyadeeyay Shacabka dalka Chat geerida Madaxweyne Idriss Deby, kaas oo uu ku sheegay in uu a ahaa nin dowladeed oo dhab ah.
“ Aniga oo ku hadlaya magaca dadka Soomaaliyeed, waxaan kula dardaarmayaa guud ahaan qaaradda Afrika in aan tacsi u diro hoggaanka & shacabka Calanka Chad ee geerida ku timid Madaxweyne Idriss Deby. Wuxuu ahaa nin dowladeed oo dhab ah oo Afrikaan argagax leh oo shahiiday ilaalinta dadkiisa iyo qarankiisa ayuu yiri” Farmaajo.
Madaxweynihii dalka Chad Madaxweyne Idriss Deby ayaa shalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaal ka socday Waqooyiga dalkaas, waxaana uu dalkaasi maamulayay muddo 30 Sano ah,isaga oo dhawan ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaasi Chat.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com