AMISOM Oo Laga Dalbaday In Ay La Socoto Dhaqdhaqaaqyada Ciidanka Dowladda Somaliya

War murtiyeedka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowha Afrika ayaa looga codsaday AMISOM inay la socoto dhaq dhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya si looga hortaggo iska hor imaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa laga codsaday inuu qabto shirarka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan qaad.

“Waxaa ka codsaneynaa AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, si ay ula socoto soo daad gureynta Ciidamada Amniga ee Soomaaliya (SSF), sidoo kale waxaan ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Ciidamada iyo Wadamada Ciidamada ku biiriya Booliska (T / PCCs ), heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga (MOCC) ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira, iyo sidoo kale khariidaynta xulashooyinka wax looga qabanayo iyo yareynta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay si toos ugu fashilantay qorshihii dalalka caalamka ay uga raadinaysay muddo kororsiga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maamulka Puntland Oo U Diyaargalaw Xoogan Ugu Jira Sidii Ay U Xorayn Lahaa Ceelbuur

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Mustafe Maartin Oo Soo Bandhigay Qorshihiisa Siyaasadeed Ee Uu Rabo In Uu Dalka Ku Hago

Bnnstaff Bnnstaff

WAR DEG DEG AH: ilhan Omar Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More