Xafiiska arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Gollaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika kasoo saarey doorashada Soomaaliya iyo muddo kordhintii Gollaha Shacabku uu u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
War kasoo baxay Xafiiska ayaa lagu sheegay in ay ku dul shaqeyn doonaan go’aamada kasoo baxay Golaha nabada midowga Afrika loona baahaan yahay in si deg deg ah loo hirgaliyo tilaabooyinka lagu qabanaayo doorashooyin xor ah.
“Waxaan taageersanahay Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika, Go’aankii lagu cambaareynayay muddo kordhinta ay usbuucii hore ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadin & ku boorrinayaa madaxda Soomaaliya inay isku raacaan waddo horay loogu socdo oo lagu xalliyo xiisadda doorashada si deg deg ah”
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa oo shalay ka shiray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si weyn u diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Muddo kordhintan ayaa dib u dhigeysay doorashadii dadbaneyd ee qorshuhu ahaa in la qabto sanadkan.
Qaraarka ka soo baxay Midowga Africa ayaa yimid maalmo kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Midowga Africa inuu dhexdhexaadin ka dhex billaabo saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya si looga heshiiyo muranka doorashada.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com