Dowlada Sudan Oo Hanjabaad Culus U Soo Dirtay Dowlada Itoobiya Iyo Sobobta

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka ee dalka Sudan, Prof. Yaasir Cabaas ayaa sheegay inay qaadi doonaan Tallaabo Sharci oo ka dhan ah Dowladda Ethiopia iyo Shirkadda Talyaaniga ee Salini Impregilo (Webuild Group) ee dhisaysa Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Wasiirka oo Wareysi Telefishin bixiyey waxa uu tilmaamay inay Tallaabo sharci qaadi doonaan, haddii ay Ethiopia sii wado qorshaha lagu buuxinayo Biyo-xireenka GERD.

Wasiirka waxa kale oo uu tilmaamay haddii ay Ethiopia ku sii socoto Buuxinta Biyo-xireenka inay Dowladiisa buuxin doonto Dacwad ka dhan ah Shirkadda Talyaaniga ee dhisayso Biyo-xireenka iyo Dowladda Ethiopia, isla markaana ay Dacwadooda diirad ku saari doonaan Khatarta Biyo-xireenkaasi ee Deegaanka iyo Saamaynta Bulshada.

Waxa uu intaasi ku daray inay Shirkado Caalami ah la kaashan doono sidii ay Dacwaddaasi ugu gudbin lhaa Maxkamadda Caddaalada Caalamiga ee ICJ, Maxkamadaha Xuquuqda Aadanaha iyo Maxkamadda COMESA

Wasiirka Biyaha iyo Waraabka ee dalka Sudan waxa kale oo uu Bartiisa Twitterka soo dhigay inay Ethiopia ku gacan-sayrtay Casuumaad uu RW Sudan u fidiyey, si ay uga qeyb galaan Shir Saddex-geesood oo ay Masar, Sudan iyo Ethiopia uga arrinsan lahaayeen Muranka dhismaha Biyo-xireenka GERD oo soo taxnaa tan iyo sanadkii 2011-kii.

 

Xafiiska BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Koonfur Africa Oo Si Adag U Cambaaraysay Xayiraado Ay Dalalka Caalamku Ku Soo Rogeen

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Eritrea Oo Bilaabay Inay Isaga Baxaan Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Shaacisay Magacyada Saraakiil Ka Tirsanaa TPLF Oo La Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More