Markab Shidaal Siday Oo Lagu Duqeeyay Xeebaha Dalka Suuriya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Diyaarad nooca aan Duuliyaha lahayn ee Drone ayaa la sheegay inay duqeysay Markab nooca shidaalka qaada (Tanker) oo ku sugnaa meel ka baxsan Xeebaha dalka Syria.

Wasaaradda Batroolka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay in Markabkaasi la duqeeyey xilli uu tagnaa duleedka Tereminalka Wershadda Sifeynta Shidaalka ee Baniyas.

Wakaalladda Wararka u faafisa dalka Syria (The Syrian Arab News Agency) ee SANA ayaa sheegtay in la rumeysan yahay inay Diyaaradda Drone-ka ka timid jihada Biyaha dalka Lubnaan (from the direction of Lebanese waters).
Kooxaha Dab-damiska ayaa la sheegay inay damiyeen dabka ka kacay Markabka la weeraray. Wakaalladda Wararka Syria faahfaahin kama bixinin halka uu Markabka ka imaanayey.

Sidoo kale, ma kala cadda Aqoonsiga Markabkaasi, inkastoo uu Telefishinka Al-Caalam ee dalka Iran shaaciyey in mid ka mid ah saddex Markab Shidaal oo Iiran leedhay ay gaareen Haamaha Shidaalka ee Syria.

Wakaalladda Wararka Iran ee TASIMIN waxay beenisay in Markabka la duqeeyey uu ahaa Markab Iiraani. Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhexe ku yaallo dalka Britain waxay soo weriyeen in Markabka la weeraray uu ka soo shiraacday dalka Iran.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Gobolka Saraar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday In Lagu Soo Eedeeyay Kufsi Iyo Dil

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Afrika Oo Soodhaweeyay Baaq Kasoo Baxay Jabhadda TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Imaaraadka Oo Booqasho Ku Tegay Dalka Qatar Iyo Ujeedada Booqashadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More