Deg Deg:- Ex Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Shaaciyay In Gurigiisa Lagu Soo Weeraray

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul uga hadlay weerar galabta ay hoygiisa kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata Farmaajo.

Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii dhowr jeer horey looga digay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay, isagoo mar kale ka digay khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka.

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga, waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka, mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo” ayuu yiri madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la iska difaaci doono Ciidanka weerarka kusoo qaaday ayna tahay nasiib daro weyn.

Related posts

Ciidamada Booliska Somaliya Oo Howlgal Dad Lagu Qabqabtay Ka Sameeyay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Oday 67 Jir Ah Oo Hadana Tartano Adag La Galaya 30 Jirada Iyo Sirta Ku Duudan Arinkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO:- wasiir Siciid Sulub Oo La Waydiiyay Su’aal Cajiib Ah Iyo Qaabka Uu Uga Jawaabay Su’aashaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More