Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaaladii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah caawa ka taagan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xudubeey Jimcaaale oo shir Jaraa’id Qabtay ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay soo galeen Magaalada, kuwaasi uu sheegay in ay qalqal galiyeen amniga guud, waxaana uu intaas ku daray in Ciidanka Dowladdu ay ka hotageen weerar uu sheegay in lagu soo qaaday Caasimadda.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay weerar la sheegay in lagu qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay in uusan jirin dagaal lagu qaaday Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana intaas uu ku daray in arrintaasi ay tahay wax kama jiraan.

dhanka kale waxaa uu baaq u diray dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladan Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana uu ugu baaqay in aysan ka qayb qaadan dagaalada kasoo cusboonaaday Magaalada ee u dhexeeya Dawladda iyo Mucaaradka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Cabasho Ka Muujiyay Xildhibaano Uu Sheegay In Ay Ku Dacweeyeen Beesha Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Hindiya:- Masaajidyo Iyo Guryo Ay Lahaayeed Dad Muslimiin Ah Oo Dab La Qabadsiiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Ruushka Ka Dalbatay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxo Gudaha Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More