Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Sheegay In Isagna Gurigiisa Lagu Soo Weeraray

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay weerar cad ku soo qaadeen guriga uu degan yahay oo ku yaalla dalcada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Waxaa uu sheegay in ciidankan uu Farmaajo amar soo siiyay lana doonaayo in lagu layo askartiisa.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu yahay mid fuleynimo ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsi Hoose Dhexe Ee Ardaale Oo Tartano Kala Duwan U Qabtay Ardayda Duqsigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Shaaciyay Lacagta Ku Baxaysa Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Beeleed Dhimasho Iyo Dhaawac Sobobay Oo Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More