Sheekh Shariif Oo Taageeray Banaanbax Lagaga Soo Horjeeday Madaxwayne Farmaajo

Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Boqolaal dadweyne oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa afurkii kadib isugu tegay deegaanka gubadley ee Kaaraan oo ay kasoo dhaqaaqeen, iyagoona aad u careysan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, doorasho diid doonimeyno iyo ha dhaco), isla markaana sitay boorar ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha dalka isaga baxo oo ay ku tilmaameen inuu yahay kaligii taliye, ayna kasoo horjeedan tallaabadaas.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa socod dheer kusoo baxay Isgoysyada Sanca, afarta Darjiin, Siinaay iyo xararyaale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in markii ay gaareen xararyaale banaanbaxayaasha halkaas lagu rasaaseeyay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay banaanbixiii ugu xooganaa ee ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan soo dhaweynayaa banaanbaxyada nabadeed ee lagu diidan yahay muddo kororsiga sharci darrada ah ee qaybaha bulshada Gobolka Banaadir ay ka dhigayaan magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri “Waa tallaabo lagu difaacayo xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, waxaana aaminsanahay in dibadbaxyadu yihiin habka ugu wanaagsan ee ay shacabka ku muujin karaan dareenkooda”.

Maalin kahor ayey aheyd markii Isgoyska Fagax ee Muqdisho uu ka dhacay banaanbax looga horjeeday Farmaajo, halkaas oo iska hor imaad kooban ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Farmaajo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daawo:- Nuxurka Qudbada Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Uu Ka Jeediyay Bandhiga Buugaagta Ee Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

“Doorashadda Madaxwaynaha Dib Looma Dhigi Karo Ee Waxa Dib Loogdhigi Karaa Doorashadda Ururadda” Garyaqaan Mubaarik Aar

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya Oo Suuq Cusub U Raadinaysa Qaadka Miirooga Ah Ka Dib Marka Ay Somaliya Joojisay Qaadkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More