UK Oo Cunaqabateyn Ku Soo Rogtay Siyaasiin La Sheegay In Ay Dalalkooda Musuq-Maasuqay

Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuq-maasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Shakhsiyaadkan ku kala baahsan Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay dalka inuu yahay “dheri malab ah” “jilayaasha musuqmaasuqa”.

Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo Sooranka & Horumarinta.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladda Somalia Iyo Turkiga Oo Maanta Heshiis Cusub Kala Saxiixday Iyo Nuxurka Heshiiskaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Fadaraalka Oo U Jawaabtay Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah Sharci Darona Ku Tilmaamtay Go’aankii Ay Soo Saareen

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Si Joogto Ah U Soo Saaraya Hub Cusub Oo Casri Ahi Iyo Weerar Cusub Oo Lagu Qaaday Xarumaha Nukliyeerka Yuhuuda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More