Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaan Dad Isku Qoys Ah Lagu Laayay Oo Ka Tirsan Deegaanka Somalida

Wararka aan ka heleyno deegaanka Garasle ee hoostega degmada Shilaabo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xalay dad isku qoys ahaa aano qabiil loogu dilay deegaanka Garasle, xili ay afur u fadhiyeen, waxaana dagaalka socda la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen inay maqlayaan rasaasta labada dhinac ay is-dhaafsanayaan, welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada degan.

inta la xaqiijiyay 6 qof oo isugu jiray saddex Caruur ah, hooyadood, aabahood iyo adeerkood ayaa ku geeriyooday weerarkaas ka dhacay deegaanka garasle oo hoostega degmada Shilaabo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kooxihii maleeshiyaadka ahaa ee ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa goobta tegay dad deris lahaa qoyska oo dhawaqa rasaasta maqlay.

Falkaas lagu weeraray dadka isku qoyska ahaa waxaa la sheegayaan inuu la xiriiray aano beeleed, waxaana dhowr jeer oo horey deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ka dhacay dilal iyo dagaalo salka ku haayay aano qabiil.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xog faahfaahsan Oo Laga Helay ‘Safar Qarsoodi Ah Oo La Sheegay In Uu Farmaajo Ku Tagay Israa’iil’

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo: Qaybta Labaad Ee Dheqaysiga Dacwada Bada Ee Somaliya Iyo Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka Oo Sheegtay In Ay Jab Gaarsiiyeen Ciidamada Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More