Maamulada Puntland Iyo Jubaland Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Raysal Wasaare Rooble

Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxay soo dhaweynayeen Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka xun yihiin dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynayeen cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqeen dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.

Puntland waxay bogaadineysay kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Masar Oo Safar Deg Deg Ah Ku Tegay Dalka Sudaan Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saartay Afgambigii Ka Dhacay Dalka Myanmar

Bnnstaff Bnnstaff

Koomishanka Doorshooyinka Somaliland Oo Baaq U Diray Murshaxiinta U Dartamaya Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More