Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa goor dhow War kasoo saartay doorashada dalka ka dhaceysa, kadib amarkii kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada loogu ugu baaqay in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee la gaaray.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, xili Galmudug iyo Hirshabeelle ya kasoo horjeesteen muddo kororsiga Farmaajo.

“Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa diiday muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Go’aankaas taageeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, ayna so dhaweeyeen Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Farmaajo Oo Ku Waajahan Dalka Jabuuti Iyo UJeedada Socdaalkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

“Qaxoontiga Dhanka Itoobiya Kasoo Galaya Oo Aad Usoo Badanaya…”Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacyaasha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Qoomiyadaha Somalida Iyo Oromada Oo Adis Ababa Ku Kala Sexeexday Heshiis Cusub Iyo Nuxurka Heshiiskaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More