Borama News Network

Cabdicasiis Maxamed: Waxa Maydka Luul loo duugi waayay waa in lala duugo dambiilaha dilay.

Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Allaha u naxariistee Luul oo ahayd Haweenay Uur leh oo Saygeeda Sayid Cali Macallin Daauud uu ku gubay Magaalada Muqdisho ugu dambayn u dhimatay dhaawacaas soo gaaray ayaa dalbaday in loo qisaaso ninka Falkaas gaystay oo gacanta Hay’adaha amniga Dowladda haatan ku jira.

Waxa uu sheegay in sababta Maydka Marxuumadda loo geliyay qaboojiyaha (Filinjeerka) ay tahay in lasoo qabto lagana oofiyo qisaasta ay xaqqa u leeyihiin si isku mar loo wada aaso waa sida uu hadalka u dhigay Aabaha dhalay Luul.

Madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu derajo sarreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu uga mahadceliyay doorka ay ka qaateen in lasoo qabto Sayid Cali Macallin Daauud oo maalmihii lasoo baxsad ahaa.

“Waxa Maydka loo duugi waayay waa in lala duugo Dambiilaha dilay, waxa aan codsanayaa aniga oo ah Luul Aabaheed in Ninkaas caddaaladda la horgeeyo, waxa aan Hay’adaha amniga ka codsanaynaa in gacanta naloo keenno oo Dowladda inoo dhammaystiro maadaama ay Dalka & Dadka mas’uul ka tahay” Sidaasi waxaa yiri Cabdicasiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Haweenayda Saygeeda ku gubay Muqdisho.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniinta soo bandhigay sawirka Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Marwadiisa oo uur u lahayd kaddibna ay u geeriyootay dhaawicii cuslaa ee soo gaaray halka uu isagana baxsaday.

Related posts

“Madaxwayaha Waxaan Leeyahay Cida Laga Rabo In Uu Midnimo Dalka Ku hayo Waa Adiga Mucaaridkana ” Axmed Yasiin Sh Cali Ayaanle

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyada Leh Ku Diiday Wax Ka Bedelkii Guurtida Ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Erdogan: Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadaha Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff