Borama News Network

Ciidanka Israaiil oo Xukuumadda Netanyahu ku cadaadinaya raadinta xal lagu dhalin karo xabbad-joojin.

Saraakiil katirsan Ciidanka Israaiil ayaa cod dheer ku dalbaday in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay raadiso dhabbaha ugu fudud ee loo mari karo xabbad-joojin ka dhaqangasha deegaannada ay isku hor fadhiyaan Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa ka caga-jiida in uu xabbad-joojin ku lifaaqan dalabka Xamaas uu galo maadaama Dad badan ay ku caadidanayaan in uu iscasilo sabab la xiriirta in uu ku fashilmay soo furashada maxaabiistii la qafaashay 7dii Oktoobar 2023.

Ciidamada Israaiil ee jooga furimaha Dagaalka ayaa sheegay in qaarkood ay qarka u saaran yihiin halis caafimaad darro oo ay ugu wacan yihiin hubka culus oo ay isku ridayaan dhinacyada hubaysan ee Falastiin oo marba marka ka dambaysa dagaalka sii kululeenaya.

Guutooyin dhowaan isaga baxay Magaalada Gaza ayaa markii ay dib ugu laabteen xeryihii ay kasoo duullaan tageen markii hore waxa ay qaar kamid ah ciidamadu sameeyeen falal argagax badan dhaliyay sida in qaarkood ay is toogtaan.

Arrintaan ayaa ugu wacan dhinaca caafimaadka maadaama ay dagaallada kala kulmeen xannuuno badan oo dhinaca dhimirka ah halka qaarkood in muddo ah aanay hurdin sabab ka dhalatay cabsida ay ka muujinayaan halista soo gaari karto haddii ay hurdaan.

Related posts

Dowlada India Oo Si Wayn Uga Cadhootay Talaabo Ay Qaaday Safiirka Ingiriiska U Dhifay Dalka Pakistan

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Golaha Ammaanka Iyo Nabadda Midowga Afrika

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Cabdiqaadir Jirde Oo Si Adag Ugu Jawaabay Madaxwayne Muuse Biixi Fariimo Culusna Diray

Abdiaziz Bnnstaff