Sacuudiga Oo Shaaciyey Inuu Mar Kale Boodhka Ka Soo Jafayo Xidhiidhkii Uu La Lahaa Dowlada Iran

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu dooneyso xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya dalka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee Iiraan.

Bin Salmaan ayaa telefishinka Al Carabiya u sheegay in waddankiisa uu u baahan yahay Iiraan si ay uga caawiso horumarinta gobolka Bariga Dhexe.

Laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uu dhibaato ku qabo ficillada dhinaca khaldan u jiheysan ee Iiraan, isagoo tusaale ka dhigay barnaamijkeeda nuclear-ka, gantaallada ay riddo iyo caawinaadda ay siiso Mintidiinta.

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudiga uu kala shaqeynayo dalalka ay xulafada yihiin ee gobolka iyo caalamka “sidii xal loogu celi lahaa dhibaatooyinkaas”.

Hadalka amiirka ayaa yimid maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiil sar sare oo ka kala socda Sacuudiga iyo Iiraan ay yeesheen wadahadallo qarsoodi ah oo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay dib ugu soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

”Waxaan Rabaa Marka Aan Laabto In Aan U Howl Galo Sidii Aan Dalka Soomaaliya… ” Xil Ilhaan Omer.

Bnnstaff Bnnstaff

” Waxaynu Ka Mid Noqo Naynaa Ururada Hada Jira ” Gudoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin

Bnnstaff Bnnstaff

Khasaare Ka Dhashay Malleeyshiyaad Qaad Dartiis Isugu Rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More