Dowlada Maraykanka Oo Cunaqabatayn Dhaqaale Ku Soo Rogtay Somaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ka dhabeysay Goodintii ku aadanayd inay Cunaqbatayn ku soo rogi doonaan  Dowladda Soomaaliya , kadib, Qalalaasaha Colaadeed ee ka dhashay Muddo-kordhintii labada sano ee uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay.

Qoraal la soo dhigay Websit-ka Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Somalia lagu daray Liiska Dalalka lagu soo rogay Cunaqabateynta dhinaca Dhaqaalaha ah.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Liiska dalalka Cunaqabateynta la saaray Soomaaliya lagu daray uu bilaawday  talaadadii la soo dhaafay ee Todobadkaan oo ay taariikhdu ahayd 27-kii April ee sanadkan 2021-ka.

Xafiiska Waaxda Maaliyadda Maraykanka ugu qaabilsan Xakameynta Hantida Shisheeyaha ayaana inta badan soo bandhigta Liiska dalalka lagu soo rogo Cunaqabataynta Dhaqaale.

Bishan April oo keliya ilaa 5 Waddan ayey Dowladda Maraykanka ku soo rogtay Cunaqabatayntaasi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somalia, Syria, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Raashiya

 

Xafiiska  Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

“Ismaaciil Cumar Geele Laascaanood Kama Talinkaro Xidhiidhna Malihin”

Bnnstaff Bnnstaff

Waqtiga Ay Doorashada Golaha Shacabka Somaliya Ka Bilaabmayso Maamul Goboleedyada Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Qoorqoor Oo Lagu Eedeeyay Beegsiga Beello Gaar Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More