Golaha Shacabka Somaliya Oo Ansixiyay In Dib Loogu Laabto Heshiiskii 17-kii September

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdsho,waxaana khudbad u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaannada inay ka laabtaan sharcigii jiheynta doorashooyinka oo ay Xildhibaannada horay nu ansixiyeen 12-kii Bishii Apriil kadib markii sida uu sheegay diidmo lagala horyimid ayna ogolaadaan in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

Intaasi kadib Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday in dib loogu laabtoheshiiskii doorashada ee 17kii Serptember, waxaana meesha ka baxday sharicgii jiheynta doorashada oo ay Xildhibaananda asnixiyeen , kaasoo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo Cod ah taas oo muuineysay in Hay’adaha kala duwan ee dowladda ee uu wqtiga ka dhamaaday loo kordhiyay inay Shaqeeyaan muddo labo Sano ah.

Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 140 mudane waxaa ogolaatay in sharciga loo noqdo heshiiskii 17-kii September dhamaan 140 Mudane ee Kulanka fadhiyay majirin wax diiday ama ka aamusay.

jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiga Golaha Shacabka ayaa u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee aqbalay codsigooda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Magaalada Borama Oo Markii Ugu Horaysay Laga Daahfuray Tartanka Horyaalka Kubada Kolayga

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Dowlad Degaanka Oo Sheegay Inay Qabteen Rag Weerar Qorsheeynayay

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Xayiraad Saaray Beeraha Magaalooyinka Hargeisa, Berbera Iyo Burco Iyo Sababta.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More