Wafdi ka socday dowladda Qatar e soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee Ra’iisul- Wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Aadan Cade ee kusoo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan DFS.
Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ayaa soo maray Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda la kulman Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com