Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kaalinta Uu Raysal Wasaare Rooble Ka Qaadanayo Howlaha Doorashooyinka

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale madaxda ugu baaqday in dib loo bilaabo wadahadalladii doorashooyinka, iyadoo qoraalka QM lagu soo dhaweeyey doorka doorashada ee ra’iisul wasaare Rooble.

“Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Baarlamanka Federaalka dib ugu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, kadib codsigii madaxweye. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, waxay kaloo QM soo dhaweynaysaa doorka doorashada hogaaminta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” Ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Caaqil Cumar Cismaan Oo Ka Hadlay Tanaasulaadii Cabdiraxaan Saylici Fariina U Diray Saajin

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyihii Hore Ee Golaha Wakiilada Somalilan Oo Ka Hadlay Xilwareejinta Maanta

Bnnstaff Bnnstaff

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay ‘Heshiiska Qaadka’ Ee Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More