Kuuriyada Waqooyi: Biden Wuxuu Doonayaa Inuu Sii Wado Siyaasad Cadaawad Ku Dhisan”

Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaarayn u jeedisay maamulka Biden, xilli uu iisu diyaarinayo inuu soo bandhigo istiraatiijiyadda siyaasadeed uu kula dhaqmayo Pyongyang iyo Barnaamijkeeda nukliyeerka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in hadallada ugu dambeeyay ee ka soo baxay Washington ay muujinayaan madaxweyne Joe Biden uu doonayo inuu sii wado “siyaasad cadaawadda ku dhisan”.

Horraantii toddobaadkan, Mr Biden wuxuu barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi ku tilmaamay “khatar weyn” oo ku wajahan amniga adduunka.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu hab “qaabeysan” u maro Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeen Jen Psaki ayaa jimcihii sheegtay in dib u eegis lagu sameeyay siyaasada Mareykanka la soo gabagabeeyay waxayna soo jeedisay in Madaxweyne Biden uu wax ka bartay waaya aragnimadii afartii maamul ee hore oo isku dayay, kuna guuldareystay in Waqooyiga Kuuriya ay ka tanaasusho barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Askar Itoobiyaan Ah Oo La Sheegay In Ay Magan Galyo Waydiisteen Dalka Suudan

Bnnstaff Bnnstaff

Waa Kuma Madaxwaynaha 46aad Ee Ku Guulaystay Doorashada Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Ka Warbixiyay Ujeedada Safarkiisa Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More