Waftiga Ka Socda Qadar Ee Ku Sugan Somaliya Oo Kulan La Qaadanaya Qoor Qoor Iyo Cali Guud Laawe

Waxaa maanta lagu waddaa in Wafdiga ka socda dowladda Qatar ee ku sugan magaalada Muqdisho kulan la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

Wafdiga oo tan iyo shalay kulamo ka wadday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay maanta la kulmaan madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wafdiga ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah madaxda midowga Musharixiinta oo ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka.

Horay wafdigan waxaa ay isku arkeen ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhanka kale waxaa uu ergeyga kulan la qaaday gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheek cabdirahmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qahtani ayaa waxaa uu horey u booqday magaalada Hargeysa..

Waxaa uu halkaasi kula kulmay madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Dirir Oo Si Adag Ula Hadlay Masuuliyiintii Ka Qayb Galay Xuskii Loo Sameeyay Askarrtii Ingiriiska

Bnnstaff Bnnstaff

Isbedel Lama Filaan Ah Oo Ku Yimid Xiisadii Ka Dhex Aloosnayd Madaxda Dalalka Turkiga Iyo Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Laga Helay Cudurka Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More