Imaam La Dilay Isaga Oo Masaajid Ku Jira Oo Salaad Tukanaya

Sheekh Cali Amiin, oo ahaa imaam caan ka ah bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu toogtay masjidka weyn ee magaalada Beni isaga oo salaad ku tukanaya.

Nin hubeysan ayaa toogtay Imaamka xilli lagu jiray salaadii maqrib ka dibna wuu baxsaday, sida uu sheegay mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Imaamka wuxuu ahaa nin si adag u dhaleeceeya xagjirnimada islaamka ee ka jirta gobolka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bariga DR Congo waxaa si xun u saameeyay xasilooni daro, oo ay ku jiraan weeraro ay sheegteen kooxda la baxday Dowladda Islaamka (ISIS).

Waxaa sidoo kale jira kooxo badan oo hubeysan kana howlgala bariga DR Congo.

“Waxay dhacday abaare 19:15 salaadii maqrib. Rasaas ayaa ka dhacday gudaha masjidka oo lala beegsaday imaamka. Ninkii hubeysnaa waa uu baxsaday maadaama uu banaanka hore ee masjidka uu ku sugaayay qof watay mooto ,” ayuu yiri Stewart Muhindo, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Maanta La Wareegaya Xilka Raysal Wasaarenimo

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Oo Baabi’iyay Seerayaal Sharci Daro Ah Oo Laga Samaystay Duleedka Degmada Cali Xaydh

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Saajin Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Gudoomiye Ku Xigeenka Afraad Ee Loo Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More