Shiinaha Oo Balan Qaad Cusub U Sameeyay Dowladda Soomaaliya Iyo Nuuca Balanqaadkaasi

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan looga hadlayey xoojinta xariirka labada dalka ee Soomaaliya iyo shiinaha la yeeshay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Safiirka ugu warbixiyey xaaladdii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan hey’addaha garsoorka Soomaaliya iyo sidii dowladda shiinaha ugu qeyb qaaden laheyd horumarinta hey’addaha Cadaaladda iyo garsoorka dalka.
Safiirka dowladda shiinaha u jooga Soomaaliya Qin Jian, ayaa bogaadiyey dadaalada lagu adkeynayo dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan hey’addaha garsoorka iyo cadaaladda dalka.

Sidoo kale waxaa uu Safiirka balan qaaday in dowladda Shiinahu ay qeyb ka qaadan doonto dhismaha iyo qalabeynta Maxkamadda, hey’addaha garsoorka, tababar siinta shaqaalaha wasaaradda cadaaladda iyo garsoorayaasha ka howlgala xarumaha cadaaladda ee dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaro Xoogan Oo Ka Dhashay Dab Qabsaday Xero Ay Ku Sugnaayen Muhaajiriin

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Seed Oo Ka Hadlay Roobab La Saadaaliyay In Ay Ka Da’ayaan Deegaanada Somaliland Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Ku Raad Joogta Hogaamiyayaasha TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More