Dowlada Masar oo Shaacisay In Ay Soo iibsanayso Diyaaradaha Dagaalka Ee Rafale

Wasaaradda Difaaca ee dalka Masar waxay Oogtii Waaberi ee saakayto oo Talaado shaacisay inay dalka Faransiiska ka iibsan doonaan 30 Diyaaradaha Dagaalka ee Rafale oo uu qiimhooda guud ku kacayo lacag dhan 4.5 Billion oo Dollar.

Wasaaradda Difaaca Masar waxay Heshiiskaasi la saxiixatay Shirkadda Faransiiska ee Dassault (The French Dassault Aviation company), si ay uga iibsadaan Diyaaradaha Rafale oo ah kuwa ugu casriyeysan ee Faransiiska lagu farsameeyo.

Kharajkaasi ayaa lagu bixin doonaa dayn ahaan muddo ka badan 10-sano, iyadoo Masar horey u saxiixday Qandaraas sanadkii 2015-kii, si ay u helaan 24 Diyaaradaha Dagaalka ee Rafale Fighter Jets, wuxuuna Qandaraaskaasi qeyb ka ahaa Heshiis lagu qiimeeyey 5.3 Billion oo Euro, una dhignta 5.9 Billion oo Dollar.

Heshiiskaasi ayaa u muuqda inuu ku lug leeyahay safarkii uu Madaxweynaha Masaru u bishii December ee sanadkii hore ku tegay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, isagoo la kulmay dhigiisa dalkaasi, Emmanuel Macron.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jaray Xarun Caafimaad Oo Laga Hirgaliyay Jirjir

Bnnstaff Bnnstaff

Gabadh Somaliyeed Oo Sanadkii Labaad U Sharraxan Abaal Marinta Nabada Aduunka.

Bnnstaff Bnnstaff

Hooyo Labo Caruur Ah Oo Ay Dhashay Ku Tuurtay Webi Iyo Dadka Reer Ciraaq Oo Ka Argagaxay Falkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More