Boqor Salmanka Sucuudiga Oo Xil Sare u Magacaabay Wiilkiisa Iyo Xubno Kale

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka.

Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo horeey u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018.

Al-Ibrahim ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sanadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha.

Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabihiis.

Amiirka ayaa horey madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii

Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda.

Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Turkiga Oo La Wareegaya Tobabarka Ciidanka Danab Iyo Duqaymaha Dhanka Cirka Alshabaab Lala Beegsado

Bnnstaff Bnnstaff

Qoyska Cawo Xariir Raage Oo Ka Soo Horjeestay Xukunka Ay Maxkamadu Ka Soo Saartay Kiiska Cawo

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Kenya Oo Dad Xoolo Dhaqato Ah Ka Qafaashay Degmada Ceel Waaq Ee Gobolka Gedo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More