Raysal Wasaare Rooble Oo Guddi u Saaray Qalalaasihii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roole ayaa waxaa uu Guddi u saaray dagaalkii Magaalada Muqdisho ku dhex-maray 25-kii Bishii Apriil Ciidamo taagersan Madaxtooyada iyo kuwo kasoo horjeeday muddo kordhinta.

Qoraal kasoo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lau sheegay in iyad aoo laga jawaabayo Go’ankii uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada & Amniga guddigaan la Magacaabay.
Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Xubnaha mucaaradka,waxaana ay ka Shaqeyn doonaa kasoo tala bixinta & xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Wasiir Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale

2: Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax

Guddoomiye

3: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji

Xubin

4: Mudane: Cabdi Sheekh Axmed Rooble
Xubin 

5: Mudane: Farxaan Cali Axmed
Xubin

6: Mudane: Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.
Xubin

7: Senatore Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
Xubin

8: Senatore Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagey)
Xubin

9: Senatore Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)
Xubin

10: Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur
Xubin

11: Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
Xubin

Xubnaha Guddiga oo uu Ra’iisul Wasaaraha magacaabay ayaa waxaa Waajibaadka laga sugayo uu yahay.

Xalinta caqabadaha saameeyey Ciidamada ee ka dhashay arrimaha
siyaasadda.

Dib-u-celinta Ciidamadii ka soo baxay furimaha ee soo galay Magaalada
Muqdisho.

Baabi’inta calaamadii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada
In Guddiga howshiisa xal ka gaariska khalalaasaha uu ku soo gaba-gabeeyo muddo Shan (5) casho gudahood.

Waxaa xubnaha Guddigan la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan u gutaan howlaha loo igmaday kana keenaan gungaar dhameystiran.

Guddiga waxa uu bilaabayaa howshiisa laga bilaabo maalinta warqaddan la saxiixo lana shabadeeyo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Aabe Uu Wiil Kiisu Tahriib Ku Dhintay Oo Xabsiga La Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Janan Oo War Ka Soo Saaray Maxaabiistii Lagaga Qabtay Dagaalkii Balad Xaawo

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Soo Bandhigay Shaqaale Dawladeed Oo Ku Jira Liiska Golaha Dhexe Ee Kulmiye

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More