Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Qaraxaasi

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa soo sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa, islamarkaana dadka geeriyooday iyo haweeneyda dhaawaca ahba ay dhammaantood saarnaayeen gaariga.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaan ka yimaadeen xarunta degmada Kaxda.

Hay’adaha ammaanka iyo dambi-baarista ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhacdadan, mana jirto faah-faahin dheeri ah oo ilaa hadda laga bixiyay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Dib U Eegis Ku Samaysay Heshiiskii Maalgalinta Ee Dekeda Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO:- Shacabka Reer Azerbijaan Oo Markii Ay Arkeen Madaxwayne Ordogan Ka Hadhiwaayay

Bnnstaff Bnnstaff

Waaxda Amniga Maraykanka Oo Ka Jawaabay Dalabkii Ilhaan Cumar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More