Madaxweyne Afwerki Oo Dhex-Dhexaadinaya Dowladdo Uu Ka Dhaxeeyo Khilaaf Xoogani

Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa waxa uu bilaabay dadaal cusub oo uu ku doonayso in xal looga gaaro Xiisadda Suudan iyo Ethiopia ee Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Madaxweynaha Eritrea oo Maanta booqasho 2 maalmood ah ku tegay caasimada dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa Socdaalkiisa lagu tilmaamay mid Diplomaasiyadeed oo uu ku doonayo xal laga gaaro Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa bannaan ee dalkaasi ayaa shaaciyey in hadalka Socdaalka Madaxweynaha Eritrea tahay Xalinta Muranka Biyo-xireenka GERD, iyadoo ay Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiopia isku haystaan saami-qeybsiga Biyaha ee webiga Nile.

Ethiopia ayaa qorsheynaysa inay bisha July dhamaystiraan biyo-buuxintii 2-aad ee Biyo-xireenka GERD, iyadoo ay Dowladaha Masar iyo Sudan ka soo horjeedaan.

Dhismaha Biyo-xireenkaasi waxaa la bilaabay sanadkii 2011-kii, iyadoo qorshuhu yahay in Biyo-xireenka laga dhaliyo Koronto Ganacsi ahaan loo gaarsiinayo Guud ahaan Ethiopia iyo dalalka deriska.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

“Doorashada Gobolada Waqooyi Luguma Aamini Karo Cabdixaashi Iyo Mahdi Guuleed” Siyaasi Rudwaan Xirsi

Bnnstaff Bnnstaff

Shir Dalka Jabuuti Uga Gurmay Urur Goboleedka IGAD Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadlayo Shirka

Bnnstaff Bnnstaff

“Waa Sharci Daro Caymiska Ay Xukuumadu Ku Dhawaaqday” Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More