Amiirkii Dalka Kuwait Shiikh Sabah Oo Goor-dhowayd Ku Geeriyooday Dalka Maraykanka

Amiirkii dalka Kuwait Shiikh Sabah Al-Ahmad al-Jaber Al-Sabah ayaa geeriyooday isagoo da’diisu aheyd 91 jir sida lagy sheegay war goor dhow ay shaacisay dowladda Kuwait.

Shiikh Sabah ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Maraykanka oo muddooyinkii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay tan iyo bishii July ee sanadkan.

Amiirka ayaa dhashay sanadkii 1929, isagoo muddo 40 sano ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait ka hor inta aan sanadkii 2006 noqonin Amiirka dalka Kuwait, isagoo bedelay Amiirkii hore ee dalkaas Shiikh Jaber Al-Sabah.

Nin inta badan iska ilaaliya khilaafyada carbeed, nabaddana ka shaqeeya ayaa lagu sifeeyaa inuu ahaa amiirka isagoo ku howlanaa dadaaladii xal u helida khilaafka Dalalka Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar.

Dowlada Kuwait ayaa ku dhawaaqday baroordiiq Qaran, iyadoo calanka wadankaas hoos loo dhigay, waxaana geerida amiirka tacsi ka diray madaxda caalamka qaarkood.

Related posts

Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian Airlines Oo Caymis Caafimaad Siinaysa Shaqaaleheeda

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Warbixiyay Xidhiidh Cusub Oo Ay Yeelanyaan Somaliland Iyo Hindiya

Bnnstaff Bnnstaff

“Waa Wixii Laga Dagaalay In Dalka Sidii La Doono Loo Maamulo Gudoomiyaha Maxkamadana Waa In Golaha Looga Yeedhaa”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More