Mareykanka Iyo Suudaan Oo Wadahadal Ka Yeeshay Xalinta Khilaafka Taagaan Biyo Xidheenka Itoobiya

Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo Madax ka ah Golaha TSC ee hayinka u haya dalka Sudan ayaa waxaa uu  shalay xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga (The Republican Palace) ee Magaaladda Khartoum.

Wafdiga uu Al-burhani la kulmay oo ka kooban 2 xubnood ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senedka ee Maraykanka

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayo Senator Christopher Coons, iyadoo uu wehliyey Senator Chris Van Hollen.

Warbaahinta Dowladda Suudan waxay sheegtay in Kulankaasi diirada lagu saaray Xiriirka Mareykanka iyo Suudan, Xalinta Khilaafka Suudan iyo Ethiopia ee Muranka Biyo-xireenka GERD iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Kumanaanka Qaxootiga Ethiopianka ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Sudan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Murashax Cabdiraxmaan Ciro Oo Ka Aamusay Waxyaabihii Ay Ka Wada Hadleen Gudiga Doorashooyinka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaalida Iyo Canfarta Oo Isku Mari la’ Wadaxaajood Ku Aaddan Colaadda Ka Taagan Gobolka Sitti

Bnnstaff Bnnstaff

Farmaajo Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More