Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Midowga Murashaxiinta Mucaaridka Ah

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xusseen ayaa hoygiisa Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga musharaxiinta.

Kulanka ayaa looga arinsanayay xaaladaha guud ee dalka ka jira iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe ayaa sheegay in uu wado dadaalo xoogan oo looga arinsanaayo masiirka dalka si heshiis looga gaaro qabsoomida doorasho loo dhan yahay.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay kulamo wadatashi ah ku yeeshaan Xubno ka socda Xukuumadda, Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland Oo U Dabaal Degay Guusha Ay Maanta Ka Gaadheen Shir Gudoonka Wakiilada

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wadatashiga Iyo Midowga Musharixiinta Oo Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Caynabo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More