Madaxwayne Deni Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socday Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee degaannada Puntland Guy Griffin.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Sidoo kale wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in looga hadlay wadashaqeynta Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Puntland, sidoo kale sidii Qaramada Midoobay kaalin weyn uga geeysan laheyd caawinta dadka uu saameeyay roobkii ka da’ay degaannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaarayaasha aan kasoo muuqan todobadyadii la soo dhaafay ayaa bilaabay kulamo kala duwan, waxaana sidoo kale la filayaa in Maalmaha soo socda uu madax kala duwan kala hadlo Arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daraasad Cusub:- Bunka Oo La Ogaaday In Uu Yareyn Karo Halista Cudurrada Ku Dhaca Beerka

Bnnstaff Bnnstaff

Hadii Ay TPLF Tidhaadho Maxaabiista La Sii Daynayo Ha Lagu Daro Cabdi Iilay Maxuu Yahay Qorshaha Dowlad Dageenku

Bnnstaff Bnnstaff

“Xisbiyo Ma Jiraan Waa Wada Urur Caarama Isma Dheero” Siyaasi Cabdilaahi Dahab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More