Armenia Oo Turkiga Ku Eedeysay Iney Diyaarad Dagaal Ka Soo Riidday

Dalka Armenia ayaa sheegay diyaarad dagaal inuu Turkiga ka soo riday inta uu socday dagaalki ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Armenia ayaa sheegtay duuliyaha diyaaradda SU-25 uu Ruushka sameeyey inuu dhintay kaddib marki ay gantaal ku dhufatay diyaarad F-16 oo laga leeyahay Turkiga oo ku soo xadgudubtay hawada dalka Armeniya.

Balse Turkiga oo si weyn u taageera Azarbajaan ayaa eedda ay u soo jeedisay Armenia ku gacan seyrtay.

Ku dhawaad 100 qof oo ay dad rayad ah ku jiraan ayaa ku dhintay dagaalki seddexda maalmood ka socday dhulka buuraleyda ee lagu muransan yahay.

Dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh ee lagu muransan yahay ayaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dalka Azarbajaan, balse tani iyo dagaalki 1988-1994-tii dhexmaray labada dal oo ka wada tirsanaa Jamhuuriyaddi Midowgii Soofiyeti waxaa dhulkaasi gacanta ku hayey qowmiyad ka soo jeeddo Armeniya.

Azarbajaan waxay marar badan sheegtay diyaarad F-16 iney ciidamadeeda cirka ku hubeysneen, balse ay diyaaradaha noocaasi leeyihiin Turkiga.

Dagaalkaasi oo gobolka ay labada dal isku hayaan ka billowday seddex maalmood ka hor ayaa hadda u muuqda inuu ka gudbay dhulki la isku hayey oo uu ka socdo xuduudaha kale ee labada dal.

Labada dal midba midka kale wuxuu ku eedeeynayaa dagaalkan ugu dambeeyey inuu isagu billaabay.

Turkigana si cad oo aan gabbasha laheen wuxuu u sheegay inuu Azarbajaan uu wax kasta uu awoodo uu ku taageerayo, halka Ruushka oo saldhig ciidan ku leh dalka Armenia saaxibna la ah Azarbajaan uu labada dal ugu baaqay xabbad joojin degdeg ah.
Diyaaradda dagaalka maxaa ku dhacay?
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Armenia Shushan Stepanyan waxay sheegtay diyaarad dagaal oo ay Armenia leedahay oo nooceedu yahay SU-25 subaxnimadii talaadada in la soo riday duuliyihi diyaaraddaasi duulinayeyna uu dhintay.

Qoraal ay barteeda facebook soo dhigtay waxay ku sheegtay diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 oo Turkiga laga leeyahay iney 60 km hawada Armenia gudaha u soo gashay.

Balse Turkiga ayaa markiba hadalka Armenia ka soo yeeray beeniyey.

“Armenia waa iney ka baxdo dhulka ay guumeysiga ku haysato, halka ay maciinsan lahayd dacaayado raqiis ah” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Balse ma jirto wax caddeyn ah oo diyaaraddaasi ku saabsan oo la baahiyey. Azarbajaan waxay Armenia ugu baaqday iney soo bandhigto caddeymaha ay hayso.

Dalka Azarbajaan oo aan shaacin macluumaadka la xiriiro qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray, haddana waxay sheegeen rasaas ka soo dhacday dhanka Armenia in lagu dilay 12 qof oo rayad ah.

Wakaalada warar oo soo xigtay wasaarada gaashaan dhigga Azarbajaan waxay sheegeen iney ciidamada Armenia ay isku dayeen iney marar badan ku gacan roonaadaan aagagga Fuzuli-Jabrayil iyo Aghdere-Terter balse ay ku fashilmeen.

Balse khasaaraha ay labada dal kala sheeganayaan oo dalba dalka kale u geystay ma jirraan cid madax bannaan oo xaqiijiyey.

Xabbad joojin rajo intee dhan ayaa laga qabaa?
Wakhti xaadirkan rajadu waxay u muuqataa mid aad u yar.

Ra’isal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan oo warbaahinta Ruushka u warramay waxay sheegeen xaaladda gobolka ka taagan ma aha mid suragelineyso wadahadal inta ay dagaallo halkaasi ka socdaan.

Madaxweynaha Azarbajaan Ilham Aliyev, oo sida oo kale warbaahinta Ruushka la hadlay wuxuu sheegay mowqifka ay Armenia ka taagan tahay xiisadda iney suuragalineyn inuu wadahadal dhaco.

Xaqiiqooyin ku saabsan Nagorno-Karabakh
Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya
Khilaafka muxuu salka ku hayaa?
Sannaddii 1988-kii, oo ku beegnaa ku dhawaad dhammaadkii xukunkii Midowgii Soofiyeeti, xoogagga Azarbajaan iyo gooni-u goosatada Armenia waxay billaabeen dagaal dhiig badan uu ku daatay oo sababay Nagorno-Karabakh iney Armenia gacanta ku sii hayso kadib marki ay labada dal heshiis nabadeed kala saxeexdeen 1994.

Tobannaan kun ayaa lagu dilay dagaalkaasi iyada muwaaddiniin badan oo dalka Azarbajaan ku qasbay inay ka cararaan guriyahooda.

Gobolka labada dal ay isku hayaan oo hadda ah mid madax bannaan haddana wuxuu taageero aad u weyn uu ka haystaa dalka Armeniya. Balse lagama aqoonsano qaramada midoobay oo ay ka mid tahay Armeniya lafteeda.

Sidoo kale, dhul ballaaran oo ka tirsan dalka Azarbajaanna oo ku teedsan agagaarka gobolkaasina waxaa gacanta ku haya dalka Armeniya.
Wadahadallada labada dal ay yeesheen waxay ku soo dhammaadeen isafaham la’aan iyada oo aan la gaarin xal nabadeed oo waara, colaadda kajirtay gobolkaasina wixi ka dambeeyey burburkii Midowgii Soofiyeeti waxay ahayd mid deggan.

Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka oo si wadajir ah u guddoomiya ururka Amniga iyo Iskaashiga ee kooxda Minsk Yurub, ayaa iskudayaya iney labada dal u kala dab qaadaan si ay colaadda ay u joojiyaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Xasan Deheeye Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Somaliya Fariin Adagna U Diray Raysal Wasaare Rooble

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Ingiriiska Oo Wada Hadal La Yeelatay Taalibaan Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More