Muxuu Yahay Geedka Soomaaliya aan Waxba looga faa’iideysanin Ee Dunida Muhiimka Ka Ah

Dacarta Cas waxaa laga helaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, hase yeeshee khubarada dhinaca seyniska waxay aaminsan yihiin inuu yahay geed dhif ah oo ay adag tahay in la helo.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, Dr. Mary Barkworth oo baratay Cilmiga Botony, kana ka tirsan Jaamacada Utah State University USA, ayaa geedkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Asphodelaceae” ka heshay Somaliland. Markii ugu horreysay waxay ku aragtay madxafka Jaamacadda Hargeysa.

Maqaal ay ku daabacday wargeyska PUBFACTS, ee soo bandhiga xogaha seyniska, ayey ku sharraxday in geedkaas uu ka duwan yahay dhirta dacarta ee laga helo caalamka intiisa kale.

‘Annaga ayaa uga horreynay’
Dr Barkworth ayaa diiwaanka ku gashay in loo aqoonsan yahay inay garatay geedkaas dhif iyo naadirka ah.

Barfasoor Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, ayaa sheegay khubarada reer galbeedka ay mar walba magacooda ku qoraan helitaanka waxyaabo caadi ka ah bulshada Soomaalida dhankooda, si fiicanna ay muddo dheer usii yaqaanneen.

“Waa la yaab in la yiraahdo ‘Qofkii ugu horeeyay ee helay’, soo annagu iyaga ka hor ma aqoon, oo waalidiinteenu uma isticmaali jirin Daawo ahaan.” ayuu yidhi Yaxye Caamir oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu qoraal dheer oo uu kaga hadlayay sida uu geedkan muhiim uga yahay caalamka iyo sida aan Soomaaliya looga faa’iideysanin ku shaaciyay boggiisa Facebook.
Ka faa’iideysiga Dacarta
Dhanka kale, Barfasoor Yaxye ayaa Soomaalida ku dhiirrigaliyay inay dhaqaale ahaan iyo dawo ahaanba uga faa’iideystaan geedkan.

“Dhaqan ahaan waxaan ugu soo isticmaali jirnay daawo ahaan, laakiin hadda waxaa kale oo looga faa’iideysan karaa in la warshadeeyo oo cabitaan ahaan laga dhigto. Wuxuu geedkan u roon yahay kansarka naaska ku dhaca iyo cudurrada wadnaha. Annagu waxyaabo badan uma isticmaalo, sababtoo ah ma garaneyno, waxaa kaliya oo aan u isticmaalnaa maqaarka kore.” Ayuu yidhi.

Sida uu Yaxye sheegayo, waxyaabaha ugu badan oo loo adeegsado dhacaanka dacarta waxaa ka mid ah in lagu qallajiyo ama lagu baabi’iyo nabarrada kasoo baxa maqaarka, in xoolaha laga mariyo cadhada, dadka indhaha caadka ka saarmo oo looga dhicbiyo iyo in digaagga loogu daro biyaha.

Dhawaan ayey ahayd markii khubaro Soomaali ah ay ka fal celiyeen war kasoo baxay seynisyahanno reer Galbeed ah oo sheegay inay Jabuuti ka heleen xayawaan dhif ah oo aan la arkin muddo 50 sano ah.

Noolahaas, oo loo yaqaanno Walo San-dheer ayaase si caadi ah u joogay inta badan dhulka Soomaalida.

Inta badan arrimaha ku saabsan waxyaabaha laga helo Soomaaliya ee aan laga warqabi caalami ahaan ayaa loo aaneeyaa in muddadii uu dalka burbursanaa aan la diiwaan galinin macluumaad badan oo ku saabsan xayawaanka iyo dhirtaba.

Siday ku billaabatay in dacarta baaritaan lagu sameeyo?
Cilmi Baareyaal ayaa ogaaday in Dacar Cas oo laga helo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqda madaxbannaanida ee Somaliland ay tahay mid aan lagu arag dunida inteeda kale, sida uu BBC-da horay ugu sheegay Axmed Ibraahim Cawaale oo madax ka ah xarun ka shaqaysa daryeelka iyo badbaadinta dhirta oo layiraahdo Candle Light.

“Dacartan ayaa noqonaysa middii 36-aad ee dhulka Soomaalida laga helo, inta la ogyahay” ayuu intaas ku daray Axmed.”
Maadaama oo aynan dacartu ku cusbayn dadka Soomaalida ah sidee lagu ogaaday in ay tahay nooc gooni ah ayay BBC-du waydiisay Axmed.

Cilmi baareyaasha ayaa sheegay in ay iskood baaritaan u sameeyeen ka dibna la kaashadeen xarun caalami ah oo lagu aruuriyo dhirta adduunka oo dhan.

Markii ugu horreysay ee fikradda baadhitaanka ay imaaneysay, Axmed oo safar ah ayay soo jiidatay qaabka ay u samaysan tahay dacarta sannadkii 2014.

“Waxaa markiiba isoo jiitay in ay tahay dacar si baahsan u fidda oo isku qabsata, dhinac ilaa 40 mitir ayay gaarraysay, dhinaca kalana 12 mitir”.

Markii uu u kuurgalay waxaa ku dhalatay in uusan halkaa ka hadhin, sannadkii xigay ee 2015 ayuuna billaabay cilmibaarasta Dacarta Cas.

“Dacartu waxay ku kala duwan tahay ubaxa iyo qaabka ay u samaysan yihiin, qodxaha yaryar ee dacarta intay isu jiraan, waxyaabahaas iyo baaritaanno kale ayaa lagu kala saaraa” ayuu yiri Axmed oo BBC-da la hadlay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socday Haayada Qaramada Midoobay U Qaabilsan Arimaha Qoxootiga Ee UNHCR.

Bnnstaff Bnnstaff

Orodyahan Caan Ah Oo Ka Soo Jeeda Dalka Itoobiya Oo Shaaciyay In Uu Ku Biiraya Dagaalka Ka Dhanka Ah TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Sheegay In Uu Soo Dhamaaday Walwalkii Uu Ka Qabay Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More