Gantaalkii Shiinaha Oo Dhulka Ku Soo Dhacay Iyo Halka Uu Ku Soo Dhacay

Gantaalkii Shiinaha kasoo baxsaday ayaa goor dhaweyd ku dhacay Badweynta Hindiya, gaar ahaan biyaha Jasiirada Maldives- sidaasi waxaa shaaca ka qaaday warbaahinta Shiinaha.

Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo Long March ayaa lumiyey awoodii maamulka hortaantii todobaadkii hore, waxaana uu ku socday xawaare gaaraya 27,000 km saacadii.

Inta badan dowladaha Caalamka gar ahaan kuwa Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen cabsi la xiriirta in uu kusoo dhaco, iyada oo dalal dhowr ah oo ka tirsan Afrika uu dhowr jeer dil maray.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in Gantaalka uu bur buray, isaga oo ana geysan wax dhibato ah, waxaana tan ay meesha ka saareeysaa cabsidii ay qabeen dalal badan oo ka tirsan Caalamka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xirsi Xaaji Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka Gudoomiyenimo Ee Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Aan Caadi Ahayn La Iskugu Yeedhay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Digniin Laga Soo Saaray Ayax Horleh Oo Kusoo Wajahan Dalka Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More