Qaar Ka Mid Ah Xisbiyada Siyaasada Ee Deegaanka Somalida Oo War Ka Soo Saaray Qabsoomida Doorashada Itoobiya

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in toddobaad lagu kordhiyey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada.

Guddiga wuxuu sheegay ilaa iyo hadda iney isdiiwaan geliyeen in ka badan 31 malyan oo qof, halka wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida ay sheegayaan in deegaankaasi ay iska diiwaan geliyeen ku dhawaad 4 malyan oo qof.

Axsaabta siyaasadeed ee Deegaanka Soomaalida ka jira oo horay cabasha uga gudbiyey geeddi socodka cod bixinta doorashada ayaa sheegay in aanay ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Itoobiya.

Waxaana arrintani ka biyo diiday xisbiga ONLF, FEP iyo musharraxiin madaxbanaan, waxay sheegeen in “Haddii wax laga qaban waayo arintaas waxaan ku war galinaynaa NEBE in aan qaadan doono go,aan ka turjumaya danaha shacabkanaga todobaadkan gudihiisa”

.

...

Related posts

“Liisanka waxaa naloo siyeey inaanu Muuse Wax…”Musharax Cirro Oo Luuqad Adag Ku Hadlay Muuse Biixi+

Bnnstaff Bnnstaff

Gantaaladii Ay Isreal Iska Bedeshay Oo Khaliijka Lagu Rikibayo Iyo Turkiga Iyo Giriiga Oo Wada Hadal Yeeshay

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaallo Qaraar Oo Weli Ka Socda Bariga Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More