Sucuudiga:- Eedeysanayaal Ay Soomaali Ku Jirto Oo Lagu Qabtay Daroogo

Afhayeenka Ciiddanka Sacuudiga ee Ilaalada Xuduudaha, Kolonel Masfar Bin Qanaam Al-Qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 Eedeysane oo doonayey inay si Tahriib ah Xashiish iyo Qaad ku soo geliyaan Sacuudiga.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaaaha lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay magaallooyinka Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga, una dhow Xuduudka Yemen.

Eedeysanayaaaha waxaa la sheegay in Wadar ahaan lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah.

Afhayeenka waxa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah.

Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaaloo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqada leh Dembiyada loo haysto.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

War Laga Soo Saaray Kulan Dhexmaray Hogaamiyeyaasha Dalalka Mareynka iyo India.

Bnnstaff Bnnstaff

Xeer Ilaalinta Ethiopia Ayaa Sharci Kasoo Saartay Isticmaalka Baraha Bulshada.

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxdhaqmeedka Waayayn Ee Hargeysa Oo Bayaan Ka Soo Saaray Maandooriyaha Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More