Amiirka Cusub Ee Dalka Kuwait Oo Maanta Xilka Loo Dhaariyay Kadib Geeridii Amiir Sabaax

Fadhi ay maanta yeesheen golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa lagu dhaariyey Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir oo ahaa sii hayaha Amiirka Kuwait, intii uu xanuusanaa Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Amiirkii dalkaas oo shalay Maraykanka ku geeriyooday
Sheekh Nawaaf oo ay walaalo ahaayeen Amiirka dhintay ayaa jeediyey hal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dalkiisa iyo mas’uuliyadda cusub ee loo dhaariyey, waxaana uu sheegay inuu shacabka dalkiisa uga tacsiyeynayo geerida Amiirka, sidoo kalena uu sii wadayo hawlaha dawladda, sida ay farayso mas’uuliyadda uu qaaday
Hawsha ugu horraysa shaqadiisa cusub waxay noqonaysaa aaska Amiirka oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, diyaaradna lagu keenayo Maydkiisa

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dayax Gacmeedki Dunida Ugu Awoodda Badnaa Oo Tijaabadiisa Lagu Guuleystay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Mas’uulkii ka Horeeyay ku Eedeeyay inuu Somaliya Dhibaato ku Eegay

Bnnstaff Bnnstaff

Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare Ee Gobolada Waqooyi Oo Maanta La Dhageysanayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More