Rooble Oo Xasan Sheekh Kala Hadlay Amniga Iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoona ugu hambalyeeyay munaasabada ciida.

Rooble iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa salaan iyo isku marxabeyn kadib ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Waxa ayna labada masuul sidoo kale kawada hadleen shirka la filayo in 20-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho kaa oo looga arinsanayo doorashada dalka iyo sidii loo hirgalin lahaa doorasho loo wada dhan yahay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana tan iyo markii lagu wareejiyay socodsiinta howlaha doorashooyinka kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee dalka iyo qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka.

 

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Magacaabay Sadex Wasiiru Dowle Oo Somali Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Aan Caadi Ahayn La Iskugu Yeedhay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Heshiis Qarsoodi Ah Oo Laga Sexeexay Madaxwaynaha Masar Kuna Saabsab Wabiga Nile

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More