Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Oo Maanta Markii Shanaad Loo Caleema Saaro Madaxtinimada Dalka Jabuuti

Waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Jabbuuti ka qabsoonto caleemasaarke Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle.

Waxaana halkaas ku sugan madax tiro badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka Jabbuuuti halka kuwo kalena la filayo in maanta halkaasi ay gaaraan.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen.

Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Ay Dalkiisa Colaado Ku Furan Yihiin Oo Ka Qeyb Galayo Caleema-Saarka Madaxweyne Kale

Bnnstaff Bnnstaff

TPLF Oo Shaacisay In Ciidanka Itoobiya Ay Duqaymo Culus Ku Hayaan Caasimada Mekelle

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Rabshadaha Ka Socda Dalka Uganda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More