Booliska Puntland Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Ku Geeriyootay Ceel Ay Ku Dabaalanayeen

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale ayaa sheegay in ceelka Af dhurwaayaale ee duleedka Magaalada Garoowe ay ku geeriyoodeen wiilal dhallinyaro ah oo halkaas u dabaal tegay .

Dhallinyaradaan oo saxiibo ahaa ayaa dad yaqaanay waxaa ay magacyadooda u kala sheegeen Cabdulqaadir Jaamac Ciise iyo Cabdulqaadir khaliif, kuwaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Taliye ku xigeenka qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kal horey ay ka digeen in khatar ka imaan karto ceelashaas iyo togaga ay biyaha gala oo dhalinyarada u dabaal tegaan.

Cismaan Maxamuud Buraale ayaa sheegay in Maamulka Puntland diyaar u yahay u gar gaarida iyo badbaadinta shacabka Puntland, wuxuuna mar labaad waalidiinta Carruurta ugu baaqay inay ka celiyaan khatar ka imaan karto goobaha halista ah.

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa todobaadkii hore howlgal ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Garoowe kusoo qabtay dhalinyaro farabadan oo ku dabaalaneysay togag waaweyn oo biyaha galaan, xiliyada roobabka da’aan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

2 Qof Oo Ku Dhinyay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Wadada Dhaxaysa Kala Baydh Iyo Wajaale

Bnnstaff Bnnstaff

Qadar Oo Sheegtay In Ay Daneyneyso Xasiloonida Soomaaliya.

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Saylada Kaliya Ee Magaalooyinka Waawayn Ee Somaliland Lacagta Itoobiya Xoolaha Lagu Kala Iibsado

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More