Maamulka Puntland Oo War Ka Soo Saaray Shirka Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalaya Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, Jama Deperani ayaa ka warbixinayay kulanka ayaa sheegay in looga hadlay arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka sigaar ah doorashaada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay mar waliba dadaal joogto ah ku bixiso arrimaha doorashada, isla markaana shirkaan oo maalmo socon doono ay kasoo bixi doonto in la qabto doorasho la isku raacsan yahay.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Soomaaliya Oo Buuxisay Qeyb Ka Mid Ah Shuurudaha Ku Biiritaanka Ururka Ganacsiga Adduunka

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Saajin Oo Si Adag Ugu Jawaabay Masuuliyiinta Xisbiyada Macaaridka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo U Hanjabay Imaamyada Masaajida

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More