Madaxwayne Erdogan Oo Si Adag U Weeraray Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Taageeray Yuhuuda

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “gacmaha dhiig ku sito” sababo la xiriira taageeradiisa dagaalka Israel ay ku qaadeyo Marinka Gaza.

Hadalka Erdogan oo ku jiray khudbad uu taleefishinka ka jeediyey oo dalka oo dhan laga fiirsaday ayaa ah weerarkii ugu adkaa ee uu ku qaado Biden, tan iyo markii uu yimid Aqalka Cad bishii Janaayo.

“Waxaad gacmahaaga dhiigga leh ku qoreysa taariikh. Waad nagu qasabtay inaan sidan dhahno, sababtoo ah intan ka badan kama aamusi karno arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.
Madaxweyne Erdogan ayaa taageero xooggan kaga kasbaday Bariga Dhexe u ololeyntiisa qadiyadda Falastiin, 18-kii sano ee uu xukumayey Turkey.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku eedeeyey Israel Inay qaadeyso “argagixasanimo”, wuxuuna wacad ku maray inuu dunida isugu keeni dooni difaaca Gaza.

“Maanta waxaan aragnay saxiixa Biden ee hubka laga iibinayo Israel,” ayuu yiri Erdogan isaga oo tixraacaya warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in Maamulka Biden uu ansixiyey hub loo daadgureeyo Israel.

“Dhulka Falastiin wuxuu la ciir-ciirayaa cadaadis, rafaad iyo dhiig, si la mid ah dhul badan oo ku nabad-waayey burburkii Cusmaaniyiinta, adigana middaas ayaa taageereysaa,” ayuu Erdogan ku yiri Biden.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya Oo Gudi Baadhis Ah U Magacaabay Eedaymaha Loo Soo Jeediyay Ilaalada Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ugu Weyn Mucaaradka Turkiga Oo Ka Cabanaya Wax Is Daba Marin La Xiriirta Doorashada.

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safiirka Filand kala hadlay La Dagaalanka Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More