Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Wikiilada Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen rooble ayaa xafiiskiisa oo ku yaal gudaha Madaxtooyada Soomaaliya waxaa uu kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka uu Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay Warbixin la xiriirta diyar garoowga qabsoomida shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho 20-ka Bisha May.

Sidoo kale Xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan shirka wadatashiga doorashooyinka, isla markaana ay taageerayan.

20-ka Bishaan May oo ku aadan Khamiista soo socota ayaa waxaa la filayaa in Magalada Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga doorashooyinka,si heshiis looga gaaro bilabiada Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Faysal Cali Waraabe Ka Hadlay Doorashadii Ka Dhacday Puntland Iyo Arinta Shirkada Diyaaradaha Ee Fly Dubai

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hambalyo U Diray Shaqaale Waynaha Somaliland

Boqortooyada Dalka Sucuudiga Oo Dhabaal Hambalyo Ah Dirtay Madaxwaynaha Dib Loo Doortay Ee Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More