Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Ku Baaqay In Fursada La Siiyo Raysal Wasaare Rooble

Madaxwweynihii hor e ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa bogaadiyay dadaallada uu waddo Ra’iisul wasaare Rooble oo ku aadan arimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa uu ugu baaqay in shirka 20-ka bishaan xoogga la saaro si dalka uu aado doorasho deg deg ah oo ku dhacda xilligii loogu tala galay.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada” ayuu sheekh Shariif.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Midowga Musharrixiinta Mucaaridka Somaliya Oo Dalbaday In Farmaajo Deg Deg Uga Baxo Villa Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ku Baaqay In Aan La Siyaasadayn Xaalada Abaaraha

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Diyaargarowga Doorashada Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More